Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxda Puntland

Fashion

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya In Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ay isku maandhaafeen Isku shaandheynta Golaha Wasiirada iyo Xilalka Ciidamada iyo Gobolka Sool…

Ilo’ wareedyo hoose, oo ka gaabsaday magacyadooda, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in khilaafka Deni iyo Karaash uu si gaar ah u khuseeyo magacaabista wasiirada ka imaanaya gobolka Sool, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistoooda.

Mudane Axmed Karaash, ayaa doonaya in shakhsiyaadka laga soo magacaabayo gobolka Sool ay ku yimaadaan tala-bixintiisa, islamarkaana gobolkaas uu doorkan saami u helo wasaarado muhiim ah oo ka miisaan weyn kuwa ay haatan hayaan wasiirada gobolka Sool matala.

Xogtaan ayaa tilmaamtay, in kulan ay yeesheen labada Mas’uul ay yeesheen lagu kala dhaqaaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu ka caga-jiiday dalab uga yimid madaxweyne ku xigeenka oo ka codsaday in wasaaradda Arrimaha gudaha dib loogu celiyo saamiga gobolka Sool.

Wasaaraddaas, waxaa xilligii Cabdiweli Gaas hayay Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ka soo jeeda gobolka Sool, balse waxa haatan haya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka soo jeeda gobolka Mudug.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn madaxweynuhu ku samayn lahaa Golaha Xukuumadda.

Isku-shaandhaynta oo la filayay in ay soo baxdo saacadaha soo socda, ayaa la sheegaya in ay mudda kooban dib u dhacday, inkastoo aan la ogayn goorta ay noqon doonto.

26620cookie-checkKhilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxda Puntland