Share the post "Maxaa Keenay in Shaqada Laga Eryo Agaasime Magacaawnaa 20–Maalmood mid Cusubna la Magacaabo.."
Maamulka Villa Somalia oo mudooyinkaan dambe ku jahwareerinaayay Shacbiga inuu la dagaalamaayo Musuqa iyo Nin-jecleysiga ayaa Agaasime magacaaban 21-Maalmood uu shaqada kaga eryay mid cusubna uu culeys ku saaray Wasiirka Maaliyada in loo magacaabo Agaasimaha Waaxda Canshuuraha…
Xogtaan ayaa xaqiijisay in Mr.Cabdullaahi Nuur Maxamed (Shirbow) oo ka tirsanaa Hey’adda NISA in loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaarada Maaliyada, iyadoo Xafiiskaasi laga eryay Agaasime (Cabdinaasir Cabdullaahi) muddo 20-maalmood magacaawnaa, ku darsoo Agaasimaha cusub ayaa ku heyb ah Agaasimihii baxsaday Muxyadiin Saabey, kaasoo lagu eedeeyay Dhaca Xoolaha Dadweynaha.
Sarkaalka la magacaabay ayaa horay looga eryay Shaqada Hey’adda NISA sanadka 2019, kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin mushaarka shaqaalaha, Hadda, Dowlada Federaalka waxay ku jirtaa xaalad dhaqaale xumo oo baahsan, iyadoo la sadaalinaayay in 12-Millions US$ la filayo in canshuur ahaan la ururiyo bishan, waxaa la soo xareeyay 4-millions oo US$ ah oo keliya.