Madaxweynaha Somalia Oo Dhawaan Safar ku Tegi Doona Magaalada Asmara

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamaya in bilowga todobaadka soo socda uu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu safri shaqo ku tegi doono magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, halkaasoo ay tan iyo 2019 ku maqan yihiin askar ay tababar ugu qaadday Maamulkii uu hoggaaminayay Farmaajo…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Safarka Madaxweynaha ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsana Golihii Midowga Musharrixiinta iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida (NISA), aadna ugu dhawaa Eedeysane Fahad Yaasiin, Safarka ayaa lagu wadaa in dhamaadka maalmaha Eida ay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Mogadishu.

Ciidamadaan tababarka dhameystay ayaa ku xayirnaa 3-xero oo Dalkaasi ku kala yaala, waxaana la sheegay iney tiradoodu dhan tahay 5000 oo Askari, Dowladda Eritrea ayaa madax furasho dhaqaale u heysatay Dhalinyaradaan isla markaasna diiday iney soo fasaxaan inta dhaqaalahaasi laga bixinaayo, iyadoo sidoo kale la sheegay in Diyaaradaha Ciidamada Turkiga lagu soo qaadi doono marka la bixiyo Dhaqaalaha.

199340cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Dhawaan Safar ku Tegi Doona Magaalada Asmara
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com