Ma Dhabaa in Wax ka Bedel Lagu Sameeyay Sanad Dugsiyeedka Waxbaraahada Dalka..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa go’aan ay Wasaarada Waxbarashada wax kaga bedeshay xiliyada la furaayo Sanad-Dugsiyeedka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Dalka, iyadoo la sheegay in la kordhiyay Maalmaha Waxbarashada lagana dhigay Sabti ilaa Khamiis…

Qoraal ka soo baxay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Benaadir ayaa lagu xusay in iyadoo la fulinaayo Amarka Wasiirka in wax ka bedel lagu sameeyay Sanad-Dugsiyeedka 2023-24, iyadoo Dugsiyada Waxbarashada la furi doono 2-Septembar lana xiri doono 6-Juun, 2024-ka.

Dhan kale, waxaa la kordhiyay maalmaha dhigashada Casharada oo laga dhigay 6-maalmood si loo dhameystiro Manhajka waxbarashada, iyadoo la faray Maamulada Dugsiyada, Macallimiinta iyo Walidiinta iyo Ardayda iney dhaqan geliyaan wax ka bedelka lagu sameeyay Jadwalka waxbarashada Gobolka Benaadir..

268380cookie-checkMa Dhabaa in Wax ka Bedel Lagu Sameeyay Sanad Dugsiyeedka Waxbaraahada Dalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com