Ciidamada Dowlada Oo Xiray Idaacad Ku Taal Gedo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dabley ka tirsan Ciidanka Dowladda ee Gobolkaasi ka hawlgala ayaa xoog kula wareegay Xaruntii Radio Gedo, ee ku taalay Degmada Doolow….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dabley Hubeysan ay xoog gudaha ugu galay Xarunta Radio Gedo, kadibna ka dareeriyay shaqaalihii ku sugnaa Xarunta, waxeyna hawada ka saareen idaacadda, iyagoo demiyay Matoorkii Korontada, waxaana Howlgalkaan fuliyay Sarkaal lagu sheegay magaciisa Gaagaale.

Sabtidii ayay ahayd markii Ciidamada Booliska Somaliland ay xoog kula wareegeen Xaruntii Universaltv ee Magaalada Hargeysa. Isla Booliska Somaliland ayaa maalintii Khamiista xoog kula wareegay Xaruntii Dhexe ee Telefishinka Star ee Magaalada Hargeysa.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Saxaafadi ka hawlgasho, waxaana joogto ah in lagu caburiyo, laguna cago-jugleeyo, iyadoo mararka qaarkood ayba dhacdo in Saxafiyiinta loogu gaysto jirdil, dhaawac iyo dilba.

44810cookie-checkCiidamada Dowlada Oo Xiray Idaacad Ku Taal Gedo