Wararka hordhaca ayaa ka soo baxaya shaqaaqo sababtay dil oo xalay ka dhacday hoyga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran Maamulka Farmaajo, kadib markii 2018-kii laga soo qabtay magaalada Baydhabo…
Wararka ayaa sheegaya in dil loo geystay mid ka mid ah Dableydii ilaalada ka heysay gurigaasi, kaasoo uu dilkiisu fuliyey askari kale oo ilaalafa ka tirsan..
Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi Xaashi, kaasoo ka tirsanaa Xoogaga nabad-sugida (NISA) ee Ilaalada ka heysay xabsiga guriga la geliyay Roobow.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex-galay askariga la dilay iyo midka wax dilay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
280900cookie-checkDil Bareer Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho