Ethiopian Baxsad Ah Oo La Dilay..

Uncategorized

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya dil ka dhacay Duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyadoo lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta labadaas askari ay uga baxeen saldhigga ay ciidamada ku leeyihiin duleedka Waajid, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in ay baxsad u ahaayeen dhanka dalkooda.

Kooxda Shabaab oo war kasoo saaray dilka labadan askari ayaa sheegtay in ay ka furteen laba qori nuuca shiishka ee Shaam shuutarka loo yaqaan iyo qori AK47 ah oo ay wateen.

Sidoo kale Kooxda warkooda waxa ay ku sheegeen in askartan ay baxsad u ahaayeen dalkoodii, kadib markii ay ku adkaatay nolosha go’doonka ah ee ku heysatay saldhigga, sida lagu yiri qoraalka


15970cookie-checkEthiopian Baxsad Ah Oo La Dilay..