4-Eedeysane Oo Afduubka Caa’isha Lagu Eedeeyay

Uncategorized

Kooxda Baarista ee Xafiisyada Xeer Ilaalinta Magaalada Bologna ee Dalka Talyaaniga ayaa laga soo xigtay iney qabteen 4-Eedeysane Oo la la xiriirinaayo iney maalgeliyeen Kooxda Afduubatay Samafalada Talyaaniga Caa’isha Romano…

Shaqsiyaadkaan Oo laba ay u dhasheen Somalia halka labada kale ay Ethiopian yihiin, ayaa lagu kala xiray Xabsiyo ku yaal Magaalooyinka Nuora, Cagliari iyo San Vittore ee dalka Talyaaniga.

Eedeysanayaashaan ayaa 3- ka mid ah da’doodu lagu sheegay 23-sano jiro, halka Midka Somaliga ah 29, sano jir yahay wuxuuna xabsi guri ugu jiraa Magaalada Milano.

Waxaana lagu eedeynayaa iney Dhaqaale u direen Kooxda Shabaabka, lacagtaasi oo cadadkeedu lagu kala sheegay 6,900, 2,700 iyo 3000 US$, waxeyna baarayaashu sheegeen in lacagahaan lagu iibiyay hub iyo Rasaas, iyadoo mid ka mid ah Eedeysanayaashaan uu sharci darro ku joogo Talyaaniga.

Eedeysanayaashaan ayaa ku kala noolaa Gobolada Piemonte iyo Lombardia, magacyadoodu lagu kala sheegay:-

-Isadiin Ahmed

-Saciid Maxamed

-Rashiid Dubad

-Cabdiqani Cusmaan

39780cookie-check4-Eedeysane Oo Afduubka Caa’isha Lagu Eedeeyay