Share the post "Maxaa Sababay Is-Bedelka Lagu Sameeyay Kuxigeenada Maamulka Benadir"
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa Waxaa xilka looga qaaday Gudoomiye kuxigeenadii Maaliyada iyo Howlaha Guud ee Gobolka Benadir, iyadoo lagu bedelay laba Shaqsi oo cusub…
Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Isbedelkaan uu yimid kadib markii Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Gudoomiyaha Gobolka Benadir iyo Kuxigeenkiisa Dhanka Maaliyada, Khilaafkaan Oo Hakad geliyay shaqadii Gobolka, kadib markii uu diiday in Dhaqaale Gunooyinka Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka laga bixiyo qasnada Mr.Ibraahim Dheere oo taageero ka heysta Wasiirka 1-aad ee Maamulka Farmaajo.
Magacaabistaan ayaa waxa si wadajir ah u gaareen Mr.Farmaajo iyo Seynab Macallin, wuxuuna Isbadalkaan ayaa waxaa uu si toos ah ula xiriiraa magacaabista golaha Wasiiradda ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Xubnaha Cusub ee la magacaabay oo kala ah Axmad Xasan Imaan (Beesha Murusade) ayaa loo magacaabay Gudoomiye K/Xigeenka Maaliyada ee Gobolka Banadir iyo Cumar Cali Cabdi (Beesha Duduble) Gudoomiye K/ Xigeenka Howlaha Guud.
Ayaan-darrada heysta Gobolka Banadir ayaa marti u noqotay iney isku bedelaan ama makhaayad ay maamulato Xaaska Mr.Farmaajo oo ka soo jeeda beesha Murusade iyadoo dhaqaalaha laga dhaco shacabka Gobolka Bandir gacanta loo galiyo, iyo kooxaha ay ku adeegato. Xasan Kheyre ayaa ku guulaystay in beesha Abgaal ka soo xusho midba midka uu ka liito si uu gacanta ugu hayo maamulka Gobolka Banadir.