Maxaa Dowlada Federaalka u Qorshe ah Hadiiba ay Ethiopia Diiday Kulanka IGAD..

Somalia news

Kadib markii ay ku gacan seyreen Maamulka Abiy ee Ethiopia, Kulanka la qorsheeyay in Ururka IGAD uu ku dhexdhexaadiyo Khilaafka u dhaxeeya Ethiopia & Somalia kuna aadan Dhul/Xeeb boobka Ethiopia, ayaa waxaa la sheegaya in Dowlada Federaalka ay qorsheysatay in Qorshe 2- aad ku dhaqaaqdo…

Xogo ayaa tilmaamaya in Dowlada Federaalka ay hirgelineyso qorshayaan soo socda:-

-In Xiriirka loo jaro Ethiopia.

-Maamulada Awdal iyo Khaatumo loo Aqoonsado Maamul Gobokeedyo Federaalka hoos yimaada.

-In Xayiraad dhanka Hawada Ethiopian Airlines iyo Ganacsiga Qaadka Ethiopia lagu soo rogo

-Ciidamada Ethiopia (ATMIS non ATMIS) lagu dhawaaqo iney Dalka ka baxaan Booskoodana lagu Bedelo Ciidamo ka Socda Dalalka Eritrea ama Egypt.

-In Dalalka Saaxiibada Somalia heshiis lagala galo Ilaalinta Xeebaha Dalka.

-Beesha Caalamka Laga gado in Heshiiska Ethiopia iyo Maamulka Somaliland uu khatar ku yahay dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada.

-In Olole Diblomaasiyadeed loo galo sidii xarunta AU-da looga rari lahaa Magaalada Addis abeba bacdamaa ay Ethiopia burisay Axdiga AU-da.

301570cookie-checkMaxaa Dowlada Federaalka u Qorshe ah Hadiiba ay Ethiopia Diiday Kulanka IGAD..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com