Share the post "Roob Mahiigaan ah Oo Sababay iney Jarmaan Wadada isku Xirta Garoowe & Sinujiif…"
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa caqabad ay soo wajahday Dadka Socotada ah iyo Gadiidka Xamuulka ee isticmaalka Waddooyinka qaar kadib markii roob maalmo badan ay ka da’ayeen kaasoo sababay iney jarmaan waddooyin dhawr ah oo muhiim u ah isku socodka ee Degaano hoos taga Maamulka Puntland…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Daadad ku soo rogmaday wadada u dhaxaysa Magaalada Garoowe iyo degaanka Sinujiif ee gobolka Nugaal ay jareen qaar ka mid ah Buundooyinka laamiga, kuwaasoo sababay inuu istaago isu socodka Gaadiidka iyo Socotada, Dadka iyo Wadayaasha ayaa gurmad deg deg ah dalbay..
Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Buundada Qalqalooc oo u dhaxaysa Sinujiif iyo buundada Midigar ayey jareen biyaha soo rogmaday, waxaana ku xaniban gaadiid badan oo ku safrayey laamiga weyn ee isku xira goboladda Dalka, mana aha markii ugu horreysay oo roobabku ay buundooyinka jaraan.
Maamulka Deni ee Puntland oo qoraal soo saaray ku joojiyay Gadiidka isticmaala Wadooyinka roobabku qaadeen, iyagoo horey u sheegtay dhowr jeer iney wax ka qaban doonaan dhibaatada ku saabsan waddooyinka uu jaro roobabka taasoo caqabad ku keenta dhamaan isu socodka gadiidka, Walaaca kale ee hadda soo baxaya ayaa ah iney wali roobka uu ka da’ayaan Degaano badan oo hoos yimaada magaalada Garoowe ee Puntland.