Kulankii Bulshada Rayidka Iyo Madaxtooyada Oo Fashilmay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay Mar.Farmaajo iyo Wakiilo ka socday qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kaasoo looga hadlay Marxalada kala guurka iyo Muranka ka dhashay Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka, waxaana la sheegay inuu ku soo dhamaaday Fashil….

Kulankaan oo dhacay toddobaadkii tagay, iyadoo ay dal Baden iney la Kulankaan Eegadaan Madaxweynaha, wuxuuna Dhacay xili habeen saq-dhexe ah, iyadoo la hor dhigay ayaa 4 qodob, oo xal u noqon kara is-mari waaga ka dhashay Guddiyada Doorashada waxaana ka mid ahaa Qodobadaasi:-

– In Guddiyada doorashada laga saaro xubnaha Ciidamada ah, Shaqaalaha Madaxtooyada iyo Taageerayaashiisa ah ee la yaqaano ama la soo gudbiyey magacyadooda, si loo dhameeyo buuqa doorashada.

– Inuu dhaqan geliyo qodobadii lagu heshiiyay ee Doorashada, gaar ahaan arrimaha quseeya gobalka Gedo maadaama ay Jubaland sheegtay in looga baxay heshiis hore looga gaaray arrimaha Gobalka Gedo.

-In Doorashada waqtigeeda ku qabsoonta si loo ilaaliyo xasiloonida dalka, inkasta oo tan ay mid hadda aan suurta-gal aheyn maadaama bil ka badan dib loo dhacay.

-In Kulan toos ah La yeesho Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtininada Somalia Ee ku sugan Magaalada Muqdishu.

Xubin ka mid ah Ergadii kulankasi goob joog ka ahaa ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aad u dhibsaday dalabka xubnahaan isagoo sheegay intaan xitaa haddii uu sidan sameeyo ay mucaaradka la iman doonaan dalabyo kale.

“Annaga waxaan u sheegnay in aanan lacag ka rabin, xilna ka rabin waxa aan wadnana ay yihiin waxa dhabta ah ee dalka ka jiro, balse fadhiga ayuu nooga kacay xataa kulankaas lama baahin meel lagu soo qorayna maleh, taas ayaana kuu cadeyneyso inuu ka xumaaday wixii aan u sheegnay,” ayuu yiri 

77060cookie-checkKulankii Bulshada Rayidka Iyo Madaxtooyada Oo Fashilmay