Duqeyn ay Fuliyeen Diyaarado Dagaal Oo Dad ku Laayay Degmada Jilib..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga helayo Weerar Duqeyn ah oo ay fuliyeen Diyaarado Dagaal kaasoo ka dhacay gudaha magaalada Bu’aale ee xarunta Jubadda Dhexe, Duqeyntaan ayaa la sheegay inuu dhaliyay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac…

Wararka ayaa sheegaya in Ilaa afar Gantaal ayaa lagu duqeeyay ilaa laba Goobood oo magaalada ku yaalla, waxaana ka mida Dugsi la sheegay in hore loo duqeeeyay, iyadoo la sheegay inay ku dhinteen wiil sanad jir ah iyo Hooyadiis, Kooxda Argagixisada ayaa shaacisay muuqaallada dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay Duqeynta ka dhacday magaalada Bu’aale, waxaana ka muuqday meydka wiilka yar, hooyadiis iyo burburka goobaha la wareeray.

Weerarka ayaa lagu eedeeyay inay geysteen Diyaaradaha Maraykanka, balse kooxda Shabaabka ma sheegin cid ka mida horjoogayaasha iyo maleeshiyada oo inta badan aysan kooxda Argagixisada shaacin waxyeellada soo gaarta, Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka AFRICOM.

283650cookie-checkDuqeyn ay Fuliyeen Diyaarado Dagaal Oo Dad ku Laayay Degmada Jilib..