Shirka Salaadiinta Gobolka Sool oo uga Furmay Magaalada Laac caanood & Dadaaladii Nabadeed Wakiilada Somaliland oo Fashil ku Dhamaaday

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ayaa sheegaya in Shirkii Aayo ka talinta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoyga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ee Xarunta Gobalka Sool ee Laascaanood, Shirkaan ayaa socon doona 28-ka Jen ilaa 1-da Feb ee Sanadkaan…

Shirkaan ayaa Dhammaan Isimmada dhaqanka SSC ay ku sugan yihiin, isla matkaadna ah kii ugu horreeyay ee noociisa oo ay isugu yimaadaan 10 sano ee u dambeysay, Sidoo kale, cuqaal, Nabadoono iyo Waxgaradka ayaa qeyb ka ah Kulanka, Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sano kaddib tagay Laascaanood ayaa shir-guddoominaya Shirweynaha oo inta uu socdo waxaana lagu gorfeyn doonaa aayaha bulshada ku dhaqanka goballada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyo sidii maamulka Somaliland looga saari lahaa degaanada ay Gobolladaasi Xoogaga hubrysan ka joogaan, oo ay kamid tahay Laascaanood.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo degaanka ka soo jeeda isla markaasna maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Laascaanood, si uu bulshada ugu qanciyo aragtida Maamulka Hargeysa ayaa aroornimadii hore ee saaka ka huleelay magaalada, isagoo ku sii jeeda magaalada Hargeisa, kadib markii uu ku fashilmay dadaaladii uu waday.

239540cookie-checkShirka Salaadiinta Gobolka Sool oo uga Furmay Magaalada Laac caanood & Dadaaladii Nabadeed Wakiilada Somaliland oo Fashil ku Dhamaaday