Share the post "Is-Faham Dhanka Hantidhowrka ay Wada Gaareen Dowladaha Somalia & Sweden.."
Inkastoo Maamulka Dowlada Federaalka ee Somalia lagu tiriyo iney kaalimaha hoose kaga jiraan musuqa iyo Eexda hanaan wanaaga Nidaamka Dowladeed ayaa lasheegay in Hantidhowrka Guud ee Dowlada uu heshiis soconaaya muddo 5-sano ah la saxiixday Dhigiisa Sweden oo lagu tiryo Dal ku dhaqanka musuqa ka fog…
Heshiiskaan ayaa ujeedadiisu lagu sheegay wada shaqeynta iyo xog-isdhaafsiga la xiriira waayo aragnimada iyo xirfadaha gaarka ah ee Horumarinta iyo tayeynta Baarista Xisaabaadka, iyadoo la maanka lagu hayo in Xafiiskaan (Hantidhowrka) lagu eedeeyay in loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo Muwaadiniinta ka aragtida duwan Hogaanka Villa Somalia laguna caburiyo.
Hantidhowraha guud Mr.Axmed Ciise Guutaale oo xirfadiisu aheyd wariyenimo kana tirsan Xisbul Xaakimka ee Demu jadiid ayaa lagu eedeeyay inuu Kiisas badan oo la xiriira Lunsasho hantida Qaranka Xafiiskiisa ku eedeeyay tiro Muwaadiniin ah ku fashilmay iney cadeymo buuxa hor geeyaan Garsoorka Maxkamadaha talabadaasi oo fadeexad ku ah Hogaankiisa.