Odayaal Ka Soo Horjeeda Dib U Doorashada Xildhibaanad Oo La Xiray

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa in Maamulka Somaliland uu xabsiga u taxaabay afar Oday oo isku jees ah kuwaasoo farriin u soo diray Puntland. Odayaashu waxay ka codsadeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Puntland in markan beeshoodu xaq u leedahay inuu Nin Xildhibaan u noqdo…

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Odayaasha la xiray waxaa ka mid ah Faarax Garaad Ismaaciil, Maxamed Cawad Baaruuf iyo Mustafe Aadan Gole. Waxay ka soo horjeedaan in Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi mar kale loo doorto Xilkaasi heerka Federaal ah, Canab waa Xildhibaannada keliya oo si cad u dhaleecaysay barakicinta qasabka ah oo uu maamulka goosashada doonaya Laascaanood ugu geystay dad Soomaaliyeed.

Odayaasha Magaalada Laascaanood lagu xirxiray waxaa taageersan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo loo hasyto inuu taageero hoose u muujiyay barakicinta qasabka ah isagoo dhowraya xiriirka ehelnimo uu la leeyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Hargeysa.

“Way adag tahay in Garaad barakicin qasab ah taageeray uu kaalin ku yeesho diyaarinta ergeda. Madaxdhaqameed kale ayaa hawshaas iska leh. Canabna way guuleysanaysaa” ayuu Axmed Jaamac Cali, firfircoone siyaasadeed, u sheegay 

148940cookie-checkOdayaal Ka Soo Horjeeda Dib U Doorashada Xildhibaanad Oo La Xiray