Horjoogaha Xoogaga Hubeysan Ee B/Weyne Oo Warbaahinta La Hadlay

Somalia news

Horjoogaha Hogaanka u haya (Abuukar Xaaji Warsame “Xuud”), Xoogaga Hubeysan ee hor-istaagay inuu Safar ku Magaalada ku tegi lahaa Madaxweynaha Hir-schabellen Mr.Cali Guudlaawe oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidamada ayaa ku adkeystay iney hor-istaagi doono cid kasta oo Danta Guud ka soo horjeeda Ee Gobolka Hiiraan…

Xoogagaan hubeysan ayaa Daba-yaaqadii bishii hore ee November, ayaa waxaa Degaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Beledweyne looga dhawaaqay Jabhadda HLF (Hiran Liberation Front), kadib doorashadii 11-kii bishaasi ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Cali Guudlaawe, wuxuuna sheegay “Laba cadow isma dugsato, hana dhaafaan Hogaanka Hirshabelle.

Isagoo Wareysi siiyay Idaacada Bbc ayuu sheegay Horjoogaha, “Beledweyne waxaan ka doonay odayaashii nabadoonada ee reer Hiiraan ayaa ii yimid, oo iga codsaday inaan kulano Wasiirka Arrimaha Gudaha, waan ka ogolaaday, ka bacdi waxay dhaheen wixii qodobo aad rabtay iyo sidaad u rabtay ee jabhadda u rabtay ama bulshada eer Hiiraan aad u rabtay soo qoro, waan is weynay Wasiirka, laakiin dokumentigii oo qoraal ah markaan ka soo tagaayay ayaan u dhiibay dad, waana loo gaynayaa Wasiirka”.

“Waxaa ku qoran kooxda sheeganeysa Hirshabelle in ay ka baxdo gobolka.” Gobolkee oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Gobolka Hiiraan. Waxa uu intaa ku daray “Anaga ma magacaabin, ma dooran, waxay noola jooggaan waa dulmi iyo is aamin-darro, taasna waxay keeni kartaa isku dhac, anagoo ka fiirsaneyno weliba dhac, sida aan u sahli lahayn inaan u sahalno. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa laba cadow isma dugsato. Marka waxaan ku iri hana dhaafaan nimankaas.”

76810cookie-checkHorjoogaha Xoogaga Hubeysan Ee B/Weyne Oo Warbaahinta La Hadlay