Qorqor Oo Lagu Dhaleeceyay Inuu Gabay Galmudug

Somalia news

Madaxweynaha Galmudug Mr.Qorqor ayaa lagu eedeeyay inuu dayacay amniga Degaanada Galmudug, wuxuuna ku mashquulay sidii dib loogu dooran lahaa Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, iyadoo la sheegay in dhowr degaan ay ka socdaan dagaalo beeleedyo….

Waxaa la sheegay in Weerarkii Hoobiyaha Ee xalay ay ku qaadeen maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka ku qaadaan Magaalada Dhuusa mareeb ayaa marqaati u ah inuu ka gaabiyay wax ka qabashada amaanka xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo wakhtiyadii ugu dambeeyay ay kooxda ku soo dhowaadeen Magaalada.

Prof.Kabire oo ku xeel dheer Arrimaha Amaanka iyo siyaasada gudaha ayaa sheegay “Waa Ayaan darro iyo ceeb in Xaruntii Galmudug ay hoobiye ku duqeeyaan, iyadoo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad, lana filaayo in Maanta lagu qabto Kulanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu intaasi raaciyay inuu Mr.Qorqor isku heysto inuu weli yahay Wasiir dowlo ka tirsan Dowladda Federaalka, wuxuuna ka gaabiyay inuu xasiliyo Amaanka Xarunta Dowlad goboleedka Galmudug iyo inuu joojiyo dagaalo beeleedyo ka socda Duleedka Magaalada Dhuusa mareeb, Bacaad weyniyo Kaxan-dhaale.

91510cookie-checkQorqor Oo Lagu Dhaleeceyay Inuu Gabay Galmudug