Ma Dhabaa in Deni & Saamileyda Dekada Garacad ku Heshiin Waayeen in DP World Lagu Wareejiyo Maamulka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulamo Qarsoodi ah oo muddo soo jiitamaayay una dhaxeeya Odayaasha Dhaqanka, Saamileyda Maamulka Dekada Garacad iyo Maamulka Puntland, salkana ku heysa Wareejinta Howlaha Dekada Shirkada DP World, ayaa ku soo dhamaaday Fashil…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in afduubka Mr.Deni ee Heshiiskan (UAE) uu muran badan dhaliyay si ay u maamulaan guud ahaan degaanada ku teedsan xeebaha Gobolada Puntland iyo Xoogaga Amaanka/Difaaca Puntland, iyadoo ay haatan xiisado u dhaxeeyaan PSF & PMPF ee Degaanka Xaafuun oo qarka u saaran gacan ka hadal.

Isimada Puntland iyo Maal-gashadayaasha Dekada Garacad ayaa diiday iney ku wareejiyaan Shirkada DP World Dekada Garacad, Imaaraatka Carabta ayaa Saamileyda Dekada Garacad ugu yaboohay 30-Millions US$ oo Saxiix ah, Madaxweyne Saciid Deni ayaa doonaya in uu helo $20M iyo $10M Odayaasha Dhaqanka & Ganacsatada Waqooyiga Gaalkacyo loo qoondeeyay.

Mr.Deni ayaa $20M ku doonaya ololihiisa doorashada ee May-2026, Halka Xasan Sheekh uu dhexda uga jiro inuu hirgelinta qorshihiisa xaraashka Dhulalka Danta Guud ee Caasimada si uu dhaqaale ugu uruursado isla markaasna ku galo Doorashada soo socota, Shaqsiyaadkaan ayaan Dadka iyo Dalka afduub ahaan ugu heysta iney xoog iyo xeeladba ku maamulaan.

325850cookie-checkMa Dhabaa in Deni & Saamileyda Dekada Garacad ku Heshiin Waayeen in DP World Lagu Wareejiyo Maamulka..