Go’aanada Siyaasada Ee Rooble Culeysyada Dhinacyada Siyaasada Isku Haya

Somalia news

Maalmahaan waxaa horyaala Shaqooyin culus iyo Go’aano looga fadhiyo inuu fuliyo Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble, mid waxey tahay inuu go’aano ka gaaro Xilalka Taliyayaasha Ciidamada Dowladda iyo Xilalka ay hayaan halka dhanka kale Farmaajo iyo Kooxdiisa ay ka soo horjeedaan in talaabadaasi hirgasho….

Dad badan ayaa aaminsan in hadii uu Mr.Rooble fuliyo Balamihii uu la galay Hogaanka Midowga Musharixiinta oo si degdeg ah Ciidamada uga saaray Caasimadda iney talaabadaasi abuuri karto taariikh wanaagsan iyo inuu si fudud ku hirgelin karo doorasho dadban oo lagu wada qanacsan yahay isla markaasna laga ilaaliyo dib u dhaca.

Dib u habeynta Ciidamada Waxaa muhiim u ah in la helo Hogaan dhexdhexaad ah oo aan dhinacna la safneynin, ayuu yiri Prof.Kabire, waana Go’aanada laga sugaayo inuu qaado Mr.Rooble inta aan la gaarin 20-ka Bisha xiliga loo balansan yahay in la qabto Kulanka Xalinta Khilaafka Doorashada, kuna wada shaqeeyaan Garabyada Hogaanka Ciidamada si Xaalada kala guurka u noqoto mid sahasha jawi Nabadeed oo Doorasho lagu qabto.

Ilo Wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Farmaajo iyo Fahad ay ka biyo diidsan yihiin in Hogaanka Ciidamada la bedelo, waxeyna ku adkeysanayaan in sidooda loo daayo, waxeyna xiligaan si hoose u wadaan qorshe ay ku xagal daacinayaan Fashilinta Qorshaha Wax ka bedelida Hogaanka Ciidamada iyo ugaarsi hoose ay ku beegsanayaan Saraakiisha Ciidamada ka soo horjeesatay muddo kondhintii, kuwaasoo qaarkood la sheegay in dil loogu hanjabay halka kuwo kale laga jartay gunooyinka ay qaadanayaan.

118970cookie-checkGo’aanada Siyaasada Ee Rooble Culeysyada Dhinacyada Siyaasada Isku Haya