Markab Shidaal Sida 12-Maalmood Taagnaa Badda oo ku Xirtay Dekada Boosaaso

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Xalay fiidkii uu Dekeda Magaalada ku soo xirtay Markab siday Shidaal, xili ay deegaannada Puntland ka jirtay baahi shidaal, iyadoo durbadiiba lagu bilaabay dejin…

Wararka ayaa sheegay in Markabkaan uu 12 maalmood uu taagnaa badda, kadib markii uu dekedda Boosaaso ka waayay meel uu kaga xirto, taasoo sababtay in sicirka shidaalka uu kor u kaco deegaannada Puntland, iyadoo Markabka markii uu soo xirtay waxaa dekedda buux-dhaafay Gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo shidaalka u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Wararka ayaa sheegay in Markabkaan shidaalka sida uu u raran yahay Ganacsato degaanka ka soo jeeda, kuwaasoo ilaa xalay Booyado ku qaadaayay Shidaalka, Dekedda Boosaaso oo hal markab wax ka badan uusan ku soo xiran karin, waxaa 2017 heshiis ballaarin lagula galay shirkadda DP World, taas oo illaa hadda aan wax ka qaban.

198110cookie-checkMarkab Shidaal Sida 12-Maalmood Taagnaa Badda oo ku Xirtay Dekada Boosaaso
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com