Ma Dhabaa In Ethiopia Ay Qorsheyneyso Iney Qabsato Degmada Seylac

Somalia news

Warbixin laggu daabacay Wargeyska The National Interest ayaa daaha ka rogay macluumaad la xiriira damaca Abiy ee Ethiopia kuna aadan helista marinada Badda, waxaana la sheegay iney Maamulka Addis abeba qorshaynayso inay weerar ku soo qaadaan Degmada Seylac…

Warbixinta Wargeyska uu daabacay oo uu qoray khabiirka reer Maraykan ee laggu magacaabo Michael Rubin,kaasoo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa war-bixintiisa ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiye Ahmed u doonnayo inuu weerar ku qaado Seylac si uu fashilkiisa hoggaamineed u qariyo, isla markaana uu indhaha Bulshadiisa ugu jeediyo halkaas iskana dhigo mid bad u doonnaya shacabka Ethiopia, waxaanu u arrkaa hadda arrintan midfursad ah,isla markaana uu ku mideyn karta Bulshada Ethiopia, haddii u dagaalkaas damaca badda uu ku soo jiheeyo Degmada Seylac.

https://nationalinterest.org/feature/ethiopia-preparing-war-somaliland-198955

Ethiopia oo ah dalka 2-aad ee Africa ugu dadka badan, marka laga soo tago Dalka Nigeria, ayaan laheyn wax bad ah, tan iyo markii ay ka go’day Eritrea, waxaana 95% badeecadaha dalkeeda imaanaya ay kala degtaa Dekedaha dalka Djibouti.

161270cookie-checkMa Dhabaa In Ethiopia Ay Qorsheyneyso Iney Qabsato Degmada Seylac