Ma Dhabaa in Isbaarooyin Baad Lagu Qaado ay Teedsan yihiin Boosaso ilaa Waqooyiga Gaalkacyo…

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in Maamulka Puntland uu ka gaabiyay wax ka qabashada dhacdooyinka Amni xumo ee Isbaarooyinka teedaan Wadada Boosaaso ilaa Waqooyiga Gaalkacyo isku xirta Degaanadaasi muddo dheer dhibaatada ku haya Dadka Iyo Gaadiidka..

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Xamuulka ah ee ka soo baxa Dekeda Boosaaso, waxaa canshuur dhan 80-US$, iyadoo 30-US$ lagu sheego iney qaado Dowlada hoose ee magaalada halka 50-US$ loogu magac daray Wasaarada Maaliyada, Tuulada Alxamdulilaah Koox hubeysan ayaa baad dhan $6 ku qaada, Degaanka Carmo iyadana isbaaro taala waxaa lagu qaadaa $6, Degaanka Dongoroyo $6 baa la dhiibaa, Maamulka Magaalada Garoowe $6 ayeey ka qaadaan, Degaanka Buurtinle $6 qaadata, Tuulada Xarfo baa $7 la bixiyaa, Waooyiga Magaalada Gaalkacyo waa $50, Degaanka Goldogobna oo aan wadada u dhoweyn waxey qaataan $25.

Xuuraanka ayaa xaqiijinaaya in Dhaqaalahaan intooda badan waxaa qaata Maleeshiyaadka Degaanadaasi oo ku xiran Odayaasha Dhaqanka, iyadoo ay sii dheer tahay Baad loogu magac daray Bir qaad oo la qaado, Gadiidka Xamuulka ee Gobolada dhexe iyo kuwa Kilinka Soomaalida Ethiopia ayaana laga qaadaa Baadasi.

Akhristow ku darsoo, Maamulka Puntland ayaa sheegta in 60% in Puntland Miisaaniyadeeda ay ku bixiso sugida amniga, taasoo u dhiganta $65-Milyan in sanadkii, ayaan darrse ka muuqdo amniga Guud in dhaqaalahaasi lagu bixiyo, Maxaase ka hortaagan Ganacsatada Gobolada dhexe iney Maalgashtaan Dekedaha Galmudug.

326760cookie-checkMa Dhabaa in Isbaarooyin Baad Lagu Qaado ay Teedsan yihiin Boosaso ilaa Waqooyiga Gaalkacyo…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com