Haweeney Qarax Is-miidaamin Ku Khaarijisay Sarkaal NISA

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdishu gaar ahaan agagaarka Blacksea iyo xarunta Daallo air, iyadoo la la beegsaday Sarkaal ka tirsan NISA iyo Ciidamo….

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Haweeney ay isku soo xirtay walxaha qaraxa kadibna ay si toos ah ula beegsatay Sarkaal ka tirsan NISA, kaasoo goobta ku sugnaa magaciisa lagu soo gaabiyay Caanogeel, iyadoo uu goobta ku geeriyooday Sarkaalka.

Iyadoo goobta qaraxa Ka Dhacay ay isku gadaameen Xoogag dharcad ah oo NISA ka tirsan, waxaana qaraxaasi dhaawac ka soo gaaray laba ka mid ah ilaaladiisa, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sarkaalka uu horey uga soo goostay Kooxda Shababka, isla markaasna aad loogu raad joogay.

Marxuumka ayaa u xil saarnaa ugaarsiga Maleeshiyaadka Kooxda Shababka Ee ka howlgala Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa, Kooxda ayaa kordhiyay tirada iyo tayada Qeybaha Is-qarxinta iyo miinooyinka, kadib markii ay gaadiidka qaraxa yaraadeen.

63960cookie-checkHaweeney Qarax Is-miidaamin Ku Khaarijisay Sarkaal NISA