Maxay Galmudug ugu nugushahay weerarada Shabaabka?

Somalia news

Mudooyinkii ugu dambeeyay, Waxaa aad u soo kordhaayay weerarada qorsheysan iyo is-balaarinta ay wadaan Kooxda argagixisada Shabaabka ku hayaan degaano ka tirsan Gobollada Dhexe, Bulshada degaanka ayaa isweydiinaya Cidda Shabaabka ah!?..

Maadama ay awooda iyo is-balaarinta Kooxda argagixisada Shabaab ay isi-soo tareyso, tan iyo markii Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Galmudug ay degaanka ka joogaan awooda muuqata isla markaasna ka gaabiyay iney difaacaan Dadka iyo hantodooda.

Aqoonyahan degaanka ka soo jeeda ayaa sheegay “iney Xaqiiqo tahay in Kooxda Argagixisada ay culeys muuqda ku heyso Dadka degaanka iyo Hantidooda, waxeyna mudooyinkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq ka wadeen Gobolada Mudug iyo Galguduud, taasoo ay dadka deegaanku dareemeen firaaqo amaan, markii ay meesha ka baxday Ahlu Sunnadii Bartamaha Somalia.

Horjoogayaasha Kooxda Waxay kaloo ka faa’iideysteen Khilaafka Culimadii Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug, oo ay ogaadeen halkaasi inuu is qabsi ka jiro, waxay is yiraahdeen waxaa idinkaga furan dalool dhinac walba ah, markay miisaameen.”

Ku darsoo Hogaanka Maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay gudashada Xilka uu dadka degaanka u hayo, wuxuuna ku mashquulay inuu u adeego Farmaajaha Fashilmay iyo inuu safaro iyo dalxiis aan wax faa’iideysanaaya ah ugu jirin Bulshada Galmudug ku tagaa Dalka Turkiga, waxaana isa soo taraaya baaqyo la xiriira inuu is-casilo Qorqor.

162030cookie-checkMaxay Galmudug ugu nugushahay weerarada Shabaabka?