Xoogaga Amaanka Baydhabo Oo Dad Badan Xabsiga u Taxaabay & Sababta..

Somalia news

Wararks naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka magaalada ay fuliyeen Howlgal ay ku soo qabteen tiro badan oo Dhalinyaro degaanka ka soo jeeda kuwaasoo lagu eedeeyay ku luglahaanshaha Falal amni darro oo degaanka ka dhacaayay bilihii ugu dambeeyay…

Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Konfur Galbeed ayaa sheegay in Dhalinyaradaani loo haysto amni darro maalmihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadaha magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, kadib markii ay qaadeen howlgal lagu sugaayo Amaanka ku qaadeen xaafadaha magaalada qaarkeed.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in bilaabeen baaris ay ku kala saarayaan Dhalinyaradaan ay gacanta ku soo dhigeen kuwaasoo  hadda lagu hayo Xabsiyada magaalada Baydhabo, balse waxaa xaqiiqo ah in todobaadyadii ugu dambeeyay ay aad u kordheen weerarada lagu waado Guryaha Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Konfur galbeed ayna ka dambeeyaan maleshiyaadka kooxda Shababka.

327070cookie-checkXoogaga Amaanka Baydhabo Oo Dad Badan Xabsiga u Taxaabay & Sababta..