Muran Ka Dhashay Xaflad Hool Xariga Looga Jaraayay

Somalia news

Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka taagan muran Siyaasadeed ku aadan Xarig jarka Dhisme cusub oo Hool xafladaha lagu qabto laguna shiriyo Dadweynaha degaanka, talaabadaan ayaa dhilisay in la joojiyo xafladaasi..

Wararka ayaa sheegaya in Dhismaha Hoolkaan Waxaa maalgelisay Dowladda Norway Oo mashruucaan soo marisay Safaaradeeda Magaalada Mogadishu, waxaana dhismaha fulisay Hey’adda NIS-Foundation, waxaana Magaalada ku kala sugan Wafuud ka kala socota Dowladda Federaalka (Wasiirka Duulista ) iyo Dowlad Goboleedka Puntland (Wasiirka Ganacsiga).

Labadaan Wasiir ayaa ka soo wada jeeda Beesha degaanka, iyadoo uu murankaan qarxay kadib markii la isku qabsaday Cidda Xariga ka jareysa Mashruucaan, iyadoo Wasiir Duraan uu ku faanay inuu Mashruucaan uu isaga keenay degaanka xaqna u leeyahay inuu xariga ka jaro, halka Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ay diideen.

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Mashruucaan and markii Hore dalbadeen Dadka degaanka una gudbiyeen Baahidooda Maamulka Puntland, xiisadaan ayaa la sheegay in Odayaasha Dhaqanka ee degaanka ay ku guda jiraan si loo xaliyo Muranka ka dhashay Hoolka cusub, bacdamaa tuugsi lagu keenay Dhaqaalaha dhismaha Hoolka.

149870cookie-checkMuran Ka Dhashay Xaflad Hool Xariga Looga Jaraayay