Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Gabadha lagu Magacaabo Silvia Contistanco Romano oo ay Dabley Shabaabka ka tirsan ka afduubteen 20-kii November 2018- tuulo ku dhow Magaalo xeebeedka Lamu ee Dalka Kenya….
Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ayaa bartiisa Bulshada ku shaaciyay Siideynta Mrs.Romano, waxaana lagu wadaa in Maanta saacadu market tahay 14,00 xiliga Talyaaniga ay Diyaarada sido Gabadhaan ka degto Magaalada Roma, iyadoo loo mahad celiyay Hey’addaha Sirdoonada NISA Iyo Ciidamada Turkiga oo ka qeyb qaatay fududeynta siideynta Gabadhaan.
Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka oo Gabadhaan muddo 17-bilood ah ku hayay Degaano ka tirsan Jubada dhexe, Gedo, Bay iyo Bakool ayaa weydiistay Madax furasho dhan 5-millions US$ ah, ilaa hadda ma cadda qaabka lagu keenay Duleedka Magaalada Muqdisho iyo Cidda kala wareejisay inkastoo ay warar Qaar ay sheegeen in Ganacsato Somali ah ay ku lug yeesheen iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Talyaaniga (Madaxa Sirdoonka Talyaaniga) waxaana ku wehliyay Ciidamada Turkiga.
Sida xogto tilmaamtay, waxaa haweeneydan lagu soo daayay is-afarasho dhex martay Saraakiil ka tirsan Hey’adda Sirdoonka Talyaaniga (AISE) iyo Wakiilo ka socda Kooxda Shabaabka, iyadoo uu siideyntu ay xalay ka dhacay meel 30-KM u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Kooxda Shabaabka ayaa qeyb ka mid ah Dhaqaalaha waxey ka helaan Afduubka, Wariyayaasha, Samafalayaasha iyo Shaqsiyaad ay bartilmaameedsadaan, waxeyna u tahay ilo Dhaqaale Oo dagaalada ay ku maalgeliyaan.