Qeylo Dhaan Amni Darro Oo…

Uncategorized

Warbixino welwel iyo cabsi xambaarsan ayaa laga soo sheegaya Degmada Yaaqshid gaar ahaan xaafada Towfiiq, iyadoo maalin iyo habeenba dhacay geystaan kooxo wata mooto bajaaj isla markaana ku hubeysan bastoolado iyo AK-47.

Cabashadaan ayaa la sheegay In Mas’uuliyiinta Amaanka iyo kuwa Maamulka ee heer Federaal,Gobol iyo degmo ay ka gaabiyeen iney wac ka qabtaan dhibaatada ay geysanayaan kooxdaan Bur arka hubeysan ee Dhibaatada ku Bulshada degmada ku nool.

Waxaana Dadka is-weydiinayaan Su’aalahaan oo Jawaabo u baahan:-

-Dadka ku nool degmooyinka G. Banaadir oo masuul aad ka tihiin xaq miyey u leeyihiin inay Amni darro ku noolaadaan oo hantidooda la dhaco?

-Madaxweynow maka warqabtaa shacabka aad masuulka ka tahay xaaladda ay ku sugan yihiin?, mana jiraaa isla xisaabtan dhab ah adiga iyo Wakiiladada Heer federaal,Gobol iyo degmada?

-Boliiska iyo NISA gaar ah kuwa gobolka iyo kan degmada maka warqabaan dhibaatada ay ku sugan yihiin shacabka ku nool xaafadda Towfiiq?

-Boliiska iyo hawl wadeenada degmadda iyo guddoomiyaha ma waxay u magacaaban yihiin inay iska fadhiyaan xafiisyada, saldhigyada kana qeyb galaan kaliya shirarka gobolka?

-Waxaan maqalnaa shirar ka dhaco xarunta Gobolka Benadir loogana hadlo Amni, waxaa is weydiin mudan hadii la gabay howshii iyo Amnigii shacabka ma waxaad ka shirtaan Amnigiina?

-Maxay u maqli la’yihiin Boliiska Amni darada ka jirta Towfiiq kaliya ay u maqlaan qof guri dayactiranaayo iyo dhawaaqa buruska oo ay lacag ugu doontaan?

-Maxay tahay sababta keentay markii qof shacab ah gurigiisa uu dayactiranaayo ama hal jiin gad iska badalaayo 5 daqiiqo gudahood ay police ka degmada ku yimaadaan, markii qof shacab ahna hantidiisa laga qaato gurmad deg deg ah u heli waayaan?

-Xilka shacabka loo haayo ma waxay noqotay in magac iyo mushaar la iska qaato Amnigane guryihiina soo dhaafi waayo ?

13880cookie-checkQeylo Dhaan Amni Darro Oo…