Xagee Ku Sugan Yahay Wasiir Janan..

Uncategorized

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara Magaalada Beled Xaawo, ayaa sheegaya, in Weli degmadaasi ay xiisado colaadeed ka taagan tahay, una dhaxeeysa Ciidamo Daacad u ah Wasiir Janan iyo Kuwa Maamulka Farmaajo..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Ciidamo kor u dhaafaya ilaa 300 oo aad u hubeysan iyo 11-Gadiidka dagaalka ay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Xadka Mandheera (Kenya) iyo Degmada B/Xaawo (Somalia), halka Ciidamo isku dhaf ah Somali iyo Oromo ay ku sugan yihiin duleedka Degmada B/Xaawo ee wadada qabata Doolow.

Dadaalo nabadeed ayaa la sheegay iney Wadaan Odayaasha Dhaqanka degmada B/Xaawo ka wadaan in aan lagu kor dagaalamin Dadka Shacabka korkooda, ilaa hadda laguma guuleysan in la kala qaado Ciidamadaasi.

15550cookie-checkXagee Ku Sugan Yahay Wasiir Janan..