Ma Dhabaa in Xafiiska Wasiirka 1-aad uu Leexsaday Deeq Dhaqaale oo Loogu Tala Galay Ilaalinta Caruurta…

Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysay in Howlwadeeno ka tirsan Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka lagu eedeeyay musuq maasuq la xiriira iney si qaldan loo isticmaalay $400,000 oo loogu talagalay ilaalinta Carruurta, Deeqdaan oo la xaqiijiyay iney ka timid Hey’adda Save the Children…

Xuuraano la helay ayaa tilmaamaya in Axmednuur M. Cabdi (Uleex) uu yahay Howlwadeenka udub dhexaadka u ah fadeexadaan, Mr.Uljeex oo Maamulkii Farmaajo horey Xafiiska uga eryay arrimo la xiriira musuq iyo qabyaalad, ayaa lagu tiriyaa inuu xiriir dhow la leeyahay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana lagu eedeeyay inuu ku takri-falay dhaqaalahaasi.

Waxaa kaloo Howlwadeenkaan lagu eedeeyay inuu lunsaday Deeq dhaqaale oo dhameyd 5-Millions US$ oo Dowlada Italy ugu talagashay mashaariicda xasilinta, waxaana u xil saarneyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Arrimaha Federaalka, iyadoo Sarkalkaan uu hormuud u ahaa heshiis la la galay Midowga Europe iyo Dowladaha Scandinavian-ka mashruuc ku kacaaya 10-Millions US$ oo lagu dhisaayo xarun dhaqan celis magaalaada Kismaayo, xaruntaan ayaa loogu tala galay Muwaadiniinta Somalia ee laga soo tarxiilo Dalalka EU-da iyo kuwa Scandinavian-ka.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in inta badan go’aanada uu qaato Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay yihiin kuwo uu culeysyo ku saaro Mr.Uljeex oo caan ka ah Xafiiska Wasiirka 1-aad una dhaqma sidii shaqsi u soo shaqo tagay boob dhaqaale dhaqaale, isla markaasna ku sifoobay inuu kala qoqobo shaqaale iyo Howlwadeenada Xafiiska, iyadoo uu horey ugu gaca qaaday Agaasimihii Xafiiskaasi ee shaqada uga tagay Dartiis.

332610cookie-checkMa Dhabaa in Xafiiska Wasiirka 1-aad uu Leexsaday Deeq Dhaqaale oo Loogu Tala Galay Ilaalinta Caruurta…