Shirkad Dhisme Oo La Weydiistay Dhaqaale Baad Ah

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa inay jiraan kooxo dalaaliin oo lala xariirinayo Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shabaab, kuwaasoo dhaqaale buuran weydistay shirkadaha ku howlan ama qaatay qandaraaska dhismaha (dayactirka) wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo hadda billow ah….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kooxdaan la sheegay inay ka kala tirsan yihiin Hey’adda NISA iyo Kooxda Shabaab waxeyna weydiisteen dhaqaale kor u dhaafaya boqolaal kun oo dollar ah kuna fasireen iney tahay canshuurta (Baada) dhismaha wadadaan, iyagoo sheegay haddii la siin waayo inay fasixi doonaan in Maleeshiyaadka Shababka iney geystaan weeraro lagu beegsan doono shaqaalaha iyo shirkadaha ku howlan dhismaha wadada.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay “Dhowr jeer ayay la soo xiriireen Maamulka Shirkadda waxeyna weydiisteen lacag aan yareyn iyagoo dadka ugu yeeraya degaan ka tirsan Shabeellada Hoose si loo xaqiiqsado inay iyagii yihiin, waxaana laga codasaday in qolada howsha waddo isku laabato jawaabna la soo siiyo,” ayuu yiri mas’uul aan magaciisa qarinay oo xog ogaal ka ah arrimaha ku saabsan mashruucaan lagu dhisayo wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Dhismaha wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo la bilaabay todobaadyo kahor ayaa hadda mareysa meel billow ah inkastoo ay howshu ku socoto dardar xoogleh, lama oga waxa xigi doona, waxaana Maamulka Shirkadda iyo Shaqaalaha soo food saartay Cabsi xoogan.

Kooxda Shabaab ayaa hore isu hor-taagay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyadoo markii dambe lagu dhisay xoog inkastoo dad badan ay ku dhinteen weeraro ay fuliyeen Kooxda Shabaab oo lagu beegsaday shaqaalihii dhisayey.

121790cookie-checkShirkad Dhisme Oo La Weydiistay Dhaqaale Baad Ah