Madaxweynaha Somalia Oo Taageero u Raadinaaya Qorshihiisa Dastuurka Dalka..

Somalia news

Iyadoo ay taagan yihiin khilaafyo u dhaxeeya Koox Mucaaradka ka tirsan oo lagu kabay Maamulka Puntland iyo Villa Somalia kuna aadan wax ka bedelka Dastuurka oo maanta lagu wado in doodiisa laga bilaabo Baarlamaanka Federaalka, inkastoo uu Maamulka Puntland si cad u sheegay inuu ka go’aayo Somalia hadii Qorshahaan lagu dhaqaaqo…

Madaxweynaha Somalia oo maalmahaan kulamo wada tashi ah la yeelanaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tilmaamay in Caqabadaha hortaagan Dowladnimada Somalia ay ka mid tahay in lagu marmarsiyoodo “Looma Dhama”, isagoo la hadlaayay Xildhibaano Haween ah ayuu u sheegay iney Udub dhexaad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, Madaxbanaanida iyo Midnimada Dalka.

Isagoo ku adkeeyay iney doodaha socda ee dhameystirka Dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh guud ahaan Haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan Shareecada Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay:-

Dhanka kale, Koox ay Hormuud u yihiin Madaxweynayaashii hore (Sh.Shariif iyo M.Farmaajo) oo kaashanaaya Maamulka Puntland ayaa geedi dheer iyo mid gaaban u koray sidii loo hor istaagi lahaa Mashruuca Qabyo tirka Dastuurka, waxaana la sheegay in Hogaamiyaha Maamulka Puntland uu ku goodiyay inuu Somalia ka go’aayo hadii aan deg deg loo joojin Dooda Baarlamaanka Federaalka ee Ansixinta Dastuurka taasoo la qorsheeyay iney soo gabogabeeyo 6-da Bisha Maarso 2024-ka.

307850cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Taageero u Raadinaaya Qorshihiisa Dastuurka Dalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com