Cabsi Xoogan oo Soo Wajahday Rakaabka Buses-ka ka Howlgala Degaanada Waqooyi Bari..

Africa News Somalia news

Warar hordhac ayaa tilmaamaya in Rabaabka raaca basaska u kala goosha Magaalooyinka Nairobi iyo Degaanada Waqooyi bari Kenya ay soo wahajday cavsi xoogan kadib markii ay kordheen kadib markii weerar dhabal gal ah ay kooxo Dabley ah ku qaadeen bus agagaarka Degmada Wajeer…

Wararka ayaa sheegay in koox loo badinaayo iney ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Shababka ay weerar gaadmo ah ku qaaday bus-ka Shirkadda Al-Mukaran oo ay saaran yihiin 55-rakaab ah kuna sii jeeday magaalada Mandheera ayaa si nabad ah uga badbaaday shilka abaarihii 4-ta subaxnimo 15-kii Juun.

Kooxda Dableyda ah ayaa tiradooda lagu qiyaasay 15-Dabley ah ayaa rasaas hawada u riday waxeyna ku qasbeen Wadihii Buska inuu joojiyo, iyagoo Rakaabkii ku qasbay iney ka degaan inkastoo markii dambe ay ku amreen iney sii wataan safarka lama sheegin wax agab ah oo laga qaatay Rakaabka iyo Shaqaalaha.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegantay kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mr.Kithure Kindiki uu kormeer ku tagay magaalada Lamu halkaasoo Kooxda Argagixisada ku dileen 16-Askari oo Boliiska Kenya ka tirsan weerar gaadmo ah ku qaadeen degaanada ku xeeran Degmada Lamu.

261210cookie-checkCabsi Xoogan oo Soo Wajahday Rakaabka Buses-ka ka Howlgala Degaanada Waqooyi Bari..