Khataraha Caafimaad Ee Sonkorta Iyo Xadiga Laga Isticmaali Kaaro Maalintii..

Food Health World

Waxaa marag ma doonto ah in Khatarta ay xambaarsan tahay Isticmaalka Xad ka baxa ah er Sonkorta ay dhobaatooyin u horseedaan Caafimaadka, iyadoo khubarada Caafimaadka ay digniino ka soo saareen Qiyaastii xadiga maalintii la isticmaali karo inuusan ka badnaan 50-gram..

Isticmaalka Sonkorta badani waxa ay horseedaa khataro caafimaad oo ay ka mid yihiin miisaanka oo kordha, Wadne xanuun, faalig, noocyo ka mid ah Kansarka, iyo Cudurka macaanka (Sokorow), Shaybaaro lagu sameeyey raadka ay sonkortu ku yeelato maskaxdana waxaa lagu ogaaday in ay dhibaato iyo khalkhal ku keento hab-dhisyada kiimikaad ee neerfaha maskaxda qaybteeda loo yaqaanno “The Striatum”, Waa qaybta samaysa ka dareen celinta dhadhanka ama marka uu qofku sameeyo wax uu xiisaynayo.

Sonkorta laga digayaa ma’ahan mida cadaanka ah ee cuntada ama cabitaanka dusha lagaga darayo oo keliya, balse waxaa la mid ah ama ka khatar badan sonkorta cuntooyinka qaarkood ku samaysan, waxaana ugu daran cabitaannada magacyada badan leh sida Coca, Pepsi, loo isticmaalo tamar kordhinta (Energy), iyo guud ahaan Cabitaanada warshadaysan ama xitaa dabiiciga ah.

Khubarada Caafimaadka ayaa iski raacsan in sonkortu ay dhinaca qabatinka la mid tahay maandooriyaha khatarta ah tusaale ahaan, waxa ay sideed jeer ka qabatin badan tahay maandooriyaha “Cocaine”, ku darsoo in qofku aanu is dareemayn inuu qabatimay, sidaas awgeed aanu ka fikirayn joojinteeda, ama yaraynta isticmaalkeeda, Sidaas awgeed waxa ay ku taliyeen in sonkorta iyo waxyaabaha ay ku jirto oo dhan lagu dhajiyo qoraal digniin ah sida sigaarka, si dadka loogu sheego khataraha caafimaad ee ku jira.

334600cookie-checkKhataraha Caafimaad Ee Sonkorta Iyo Xadiga Laga Isticmaali Kaaro Maalintii..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com