Wasiirka Dhaqaalaha Oo Eedeyn Xilli hore u Jeediyay Soomaalida ku Dhaqan Dalka Finland..

World

Dowlada Finland ayaa xilligaan wajaheysa muran la xiriira cunsuriyad iyadoo Wasiirka Dhaqaalaha ee Dalkaasi uu dhaleeceyn kala kulmayo fariimo gaar ah oo Warbaahinta ay kashiftay, kuwaasoo ku salka ku haya kicin Dadweyne oo cunsurnimo ah..

Wararka ayaa sheegaya in Farriimo daaha laga qaaday ee 2016 ee uu qoray, lana soo fatashay maalintii Khamiista ayaa muujinaya sida uu Wasiirka Dhaqaalaha Dalka Finland u cunsuriyadda uu kula dhaqmay dadka ku nool dalkaas, gaar ahaan kuwa Soomaalida, wuxuuna sheegay in Soomaliada ku dhaqan dalkaas ay u tarmaan sida geedka lagu magaacaabo Lily of the valley ee fiyooraha iyo ubaxa leh, isaga oo u hadlay si cunsuriyadnimo ku jirto.

Hadalada Xanafta leh kuma koobna kaliyah Wasiirkaan, iyadoo Wasiirada Maaliyada sidoo kale lagu eedeeyay iney Qoraalo dhiilo xambaarsan oo dhan ka ah Soo galootiga ay barteeda Bulshada ku qortay sanado la soo dhaafay, waxeyna diiday iney is casisho, Xisbiya Perus Suomalainen oo araftidiosu midigta fog xambaaraan ayeey Haweeneydaan Madax ka tahay.

269460cookie-checkWasiirka Dhaqaalaha Oo Eedeyn Xilli hore u Jeediyay Soomaalida ku Dhaqan Dalka Finland..