Ma Dhabaa in Wakiilka UN-ka & Danjiraha UK ee Somalia ay Ashtako ka Gudbiyeen Hogaamiyaha Khaatumo…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe dahsoon oo ay daaha gadaashiisa ka riixayaan Wakiilka UN-ka iyo Safaarada UK ee Somalia, in Dowladda Federaalka & Odayaasha Dhaqanka ay bedelaan Hogaamiyihii SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, kadib dhaleecayntii uu u jeediyay ee Danjiraha Dowladda UK ee ahayd “inay u xaglinaayasn Maamulka Somaliland ee gooni-goosadka ah”….

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Villa Somalia ayaa loo tusiyay in dhaleeceynta Mr.Firdhiye lagu macneeyay isku day lagu doonayo in fargelin lagu hayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Dowlada Federaalka, Diblomaasiyiintaan u dhashay Boqortooyada UK ayaa la sheegay iney u adeegsanayaan Dowladda Federaalka iyo Odayaasha Dhaqanka in aan Maamul buuxa loo aqoonsan Maamulka KMG ah ee Khaatumo loona daayo mid hoos taga Maamulka Somaliland ama Maamulka Garoowe.

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Dhowr arrimood oo is biirsaday ayaa jiheynaaya Siyaasadda Dowladda Federaalka ee ku wajahan maamulka SSC-Khaatumo, Taageerada qayaxan ee loo hayo SSC-Khaatumo waxay saamayn togan ku yeelanaysaa hadafkii Madaxweyne Xasan Sheekh ka lahaa in beesha Dir ay ka hesho taageerada Xildhibaanada labada Aqal si wax ka bedel loogu sameeyo Dastuurka qabyada ah ee Federaalka.

Iyadoo xiriirkii Muqdisho iyo Hargeysa uu bilowgii Sanadkaan ahaa mid aad u hooseeya kadib heshiiskii is-afgaradka badda ee sharci darrada ahaa ee ahaa in Ethiopia looga kireeyo Degmo xeebeed, ayaa kooxda Damuljadiid waxay ballan-qaadyo u fidiyaan Labada garab ee Xildhibaan ee Khaatumo iyo Dirtaba iyagoo ka duulaya hadafka siyaasadeed ee labada siyaasi ee iska soo horjeeda.

Wakiilka UN-ka ee Somalia Catriona Laing aalaba lagu eedeeyaa iney siyaasadeedaku dhisan “Kala qeybi oo Xukun”, ayaa qarsan iney la dhacsan tahay Maamulka Waqooyiga Somalia waxeyna indhaha ka qarsatay Xaduuqa ay geysteen Maleeshiyaadka Beesha dhexe intii uu socday Dagaalkii Gooja-cadde iyo Degmada Laas caanood, iyadoo Dad rayid u badan Caruur, Haween iyo Waayeel madaafiic la la beegsaday halka Si bareer ah loo burburiyay Isbitaaladii, Masaajidii, Warshadii Korontada, Dugsiyada Waxbarsahada iyo Ceelsha biyaha.

315790cookie-checkMa Dhabaa in Wakiilka UN-ka & Danjiraha UK ee Somalia ay Ashtako ka Gudbiyeen Hogaamiyaha Khaatumo…