Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee Sanadkan waxaa loo Xushay Haweeney Iran ka soo Jeeda.. 

World

Guddiga soo xulista Xubnaha la gudoonsiinaayo Abaalmarinta Nabadda ee Sanadkaan 2023, ayaa waxey u xuleen/guddoonsiiyeen Haweeneyda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee Dalka Iran magaceeduna yahay Narges Mohammadi, sida ay sheegeen Guddiga Nobel-ka Norway xilli ay xaflad ka socotay magaalada Oslo..

Narges Mohammadi, oo dhalatay sanadkii 1972-kii, waxaana la guddoonsiiyay abaal-marin nabadeed, iyo waxyaabo kale, oo ay ku mutaysatay u dagaalantay xuquuqda Haweenka ee Dalka Iran, “Hadda xabsi ayey ugu jirtaa aragtideeda”, ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Nobel Berit Reiss-Andersen.

Narges Mohammadi waa khabiir physicist ah oo tababaran laakiin inta badan waxa ay ku soo shaqeeysay wariye, Sanadkii 2016-kii ayaa waxa lagu riday xukun dhan 16 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay “iney faafisay dacaayad ka dhan ah dawladda” iyo iney xubin ka tahay “urur sharci-darro ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo amniga qaranka”. Lagama sii deyn doono xabsiga caanka ah ee Evin ee Tehran ilaa 2026.

Sanadkan, 351 musharrax ayaa loo magacaabay in ay heli karaan abaal marinta Nobel, kuwaasoo 259 ka mid ah ay ahaayeen shakhsiyaad iyo 92 ay ahaayeen Ururo, Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar, sanad-guuradii dhimashadii Alfred Nobel, Abaal marinta [Nobel Peac Prize] ayaa soo socotay tan iyo sanadkii 1901, waxaana ku jira 1-Millions US$.

280610cookie-checkAbaalmarinta Nabadda ee Nobel ee Sanadkan waxaa loo Xushay Haweeney Iran ka soo Jeeda..