Maxaa Xiligaan Dabeylaha Afgambiga Dib uga soo Cusbooneysiyay Qaarada Africa & Dalalka u Nugul..

Africa News

Qaaradda Afrika ayaa waxey martigelisay tiro aan ka yarayn Sagaal afgembi oo guulaystey tan iyo sanadkii 2020, halka tiro isku mid ah oo isku dayo ah oo lagu doonayey in dowladda lagu afgambiyo ay fashilmeen afartii sano ee la soo dhaafay, Shaxdaan Shirqool ayaa dhamaantood laga soo wada diyaariyay Dalalka Reer Galbeedka iyo Russia…

Dalalka Africa ee uu ka hirgalay Afgambiyada ‘Coup Belt’ ayaa u badan kuwa ku hadla Afka Fransiska (Franco-phone) ee Galbeedka Africa sida Mali (laba afgembi sagaal bilood gudahood), Niger (laba siddeed bilood gudahood), Burkina Faso, Guinea, iyo Gabon ayaa dhammaantood ku habsaday mowjadda afgambiga, laakiin sidoo kale Chad iyo Sudan ayaa dhexda uga jira dagaal sokeeye oo lagu hoobtay.

USA iyo Xulafadeeda iyo AU-da ayaa Hogaamiyayaasha Afgambiyada u diiday iney la hadlaan isla markaasna cunaqabateyn ku soo rogay Hogaamiyayaasha Afgambiga, laakin waxaa aad u soo dhaweeyay Hogaamiyayaasha Dalalka Russia, China iyo Sacuudiga, Khubarada arrimaha Africa ayaa signalo hordhac ah ka bixiyay inuu jiri karo Afgambi ka dhaca dalkaasi kadib Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ay soo qabanqaabiyeen Generation (Z).

Dalka Ethiopia oo sanado badan la daalaa dhacayay xurgufyo ku dhisan Dagaal Qowmiyadeed iyo Khilaaf siyaasadeed oo qoto dheer, ayaa sidoo kale halis ugu jira in la isku dayo in la afgambiyo Maamulka Abiy oo dagaalo sokeeye muddo sanado ah la degay, Abiy fariin u gudbiyay khudbad dheer oo uu Baarlamaanka u jeediyay July 4, 2024 ayuu ugu digay Odayaal iyo Saraakiil kale ayaa wada tashiyo ku saabsan inqilaab lagu sameeyo Maamulkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Xuuraano loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Maamulka Abiy ay hadda ka feejigan tahay khataraha afgambiga, Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaaya in ay qaadayso tallaabooyin ay ka mid yihiin adeegsiga ololeyaasha baraha bulshada si ay uga hortagaan sheekooyinka iyo xoojinta Amaanka degaanada qaarkood oo ay ku jirto magaalada Addis Ababa.

334840cookie-checkMaxaa Xiligaan Dabeylaha Afgambiga Dib uga soo Cusbooneysiyay Qaarada Africa & Dalalka u Nugul..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com