Ma Dhabaa in Ethiopia & Djibouti ay Hub & Rasaas Siiyeen Maamulka Hargeysa..

Africa News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Fariisinkii ugu weynaa Xoogaga Somaliland ee Degaanka Goojacadde oo Jimcihii hore laga qabsaday laga helay Bakhaaro ay ku jiraan Hub iyo Rasaas ay Dowladaha Ethiopia iyo Djibouti ugu deeqeen Maamulka Muuse Biixi, talaabadani oo jabineysa Cunaqabateynta Hubka ee Somalia saaran..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Rasaastii lagu qabtay Xarunta dhexe ee Xoogaga Somalilanad u isticmaaleysa 8-dii bilood ee la soo dhaafay, isla markaasna lagu barakiciyay 180-kun oo qoysas ah, kuwaasoo si xun u saameeyay Hubkaan oo loogu deeqay Maleeshiyaadka Somaliland ee gooni goosadka ah, Tani waxay si cad u jebinaysaa cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay Somalia.

Haraaga Hoobiyaha 120-mm ee lagu farsameeyay Dalka China ee suurtagalka ah kana iibiyeen Ethiopia sidoo kale, Rasaas kale oo lagu farsameeyay Dalka Iran 🇮🇷 sanadka 2021 ayaa la helay, waxaa Saanadaan ayaa la soo iibiyay sanadkii 2021-kii waxaana laga soo dejiyay Dekeda Djibouti, iyadoo loo gudbiyay Ethiopia.

Caddeymo hordhac ah ayaa muujineysa in 2-Dowladood ay jabiyeen Xayiraadii Hubka ee ay saarneyd Somalia, ayaan darro, ficiladaan ayaa muujinaaya in Dowladaha Ethiopia iyo Djibouti ay iska indha tirayaan sharciyada iyo Xeerarka caalamiga ah iyagoo ku xad-gudbay cunaqabateynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

275110cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia & Djibouti ay Hub & Rasaas Siiyeen Maamulka Hargeysa..