Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Oo looga Digay Ineysan ku Fududaan Xiriirka Kenya

Africa News Somalia news

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa welwel xoogan ka muujiyay fariimaha iska soo horjeeda ee Mas’uuliyiinta Dowlada Kenya ku dhaqaaqayaan xiligaan oo Maamul cusub la wareegay Dalka Somalia, iyadoo loo muujiyay in diyaar loo yahay wanaajinta Xiriirka & Ganacsiga labada Dowladood…

Dowladda Kenya ayaa qoraal u diray Safaarada Somalia ee magaalada Nairobi kuna sheegtay iney ka xun tahay “joogitaanka aan ku tala galka aheyn ee Wakiilka Somaliland iyo Calanka ee munaasabada Diblomaasiyadeed ee Sanadlaha ah Danjirayaasha iyo Madaxweynaha Kenya oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi”.

Qoraalka ayeey Kenya ku sheegtay iney dib u xaqiijineyso Aqoonsiga Madaxbanaanida Dowlada Federaalka ee Somalia, Laakin Dowlada Kenya ma aysan ka bixin raali gelin meel ka dhacyada ay Midnimada iyo Jiritaanka Dhuleed ee Somalia, waxaan u dhaafaya khabiirada Luqadaha Dibloomaasiyada si ay u fasiraan farqiqa u dhaxeeya labada eray (ka xun tahay & raaligelin).

Waxaase shaki ku jirin in Dowlada Kenya aysan xiligaan diyaar u aheyn iney qeybteeda ka ciyaarto hagaajinta xiriirka Diblomaasiyadeed oo 5-tii sano ee u dambeysay gaaray heerkii ugu hooseeyay, Waxaana looga digay Maamulka Cusub ee Villa Somalia ineysan ku fududaan dib u soo celinta xiriirka labada Dal inta ay ka bixinayaan raali gelin buuxda meel ka dhacyada joogtada noqday ee Midnimada Somalia.

195190cookie-checkMas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Oo looga Digay Ineysan ku Fududaan Xiriirka Kenya