Dowladda Federaalka Oo Looga Baaqay Wax ka Qabashada Gubista Geedaha & Xaalufinta Dhirta

Somalia news

Kadib markii sare u kac xoogan ku Qiimaha Shidaalka & Gaaska ee Aduunka, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Kooxaha ka ganacsada jarida Geedaha ee Somalia ay dib bilaabeen jarida Geedaha si ay macaash uga sameeyaan Dhuxusha oo qiimaheedu Saaw u kac xoogan ku yimid…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ganacsiga Dhuxusha magaalada Mogdishu uu si xowli ah uga socdo, Talaabadaan ayaa ku soo beegmatay sare u kac xoogan oo ku yimid Qiimaha Gaaska bilihii ugu dambeeyay, iyadoo Qoysas badan u wareegeen isticmaalka Dhuxusha, kadib markii ay awoodi waayeen iney iibsadaan Gaaska (Tamarta).

Khubarada Arrimaha Dhaqaalaha ayaa ka digay in baahida sii kordheysa ee Qoysaska Soomaalida ay sii hurineyso in ay kordhaan jarista Geed-miroodka iyo geedaha kale, talaabadaan ayaa soo dedejin karta isbedelka Cimilada & Xaalada adag ee Abaaraha xiligaan oo lagu qiimeyay tii ugu darneyd 40-kii sano ee u dambeysay.

Dadka degen Degmada Wanleweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay iney xaalad abaareed oo adag ay ka jirto Degmada iyo Tuulooyinka ku hareereysan, iyadoo Degmada ay caan ku tahay xarunta Ganacsiga Dhuxusha, iyadoo ololaha jarista Geedaha ee Jiinka Wabiga Shabeele uu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana loogu baaqay Dowlada iney wax ka qabto.

206550cookie-checkDowladda Federaalka Oo Looga Baaqay Wax ka Qabashada Gubista Geedaha & Xaalufinta Dhirta