Maxey Xambaarsan Yihiin Qoraalada ay Dowlada Federaalka Somalia u Dirtay Xoghayaha IGAD..

Somalia news

Macluumad dheeraad ah ayaa laga helayaa 2-Qoraal ay 6-dii Bishaan Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowlada Federaalka u dirtay Hogaanka IGAD, Qoraaladaan oo mid nuxurkuisy xambaarsan yahay in Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD Workneh Gebeyehu una dhashay Ethiopia inuu la-tashi u yimaado Magaalada Mogadishu..

Qoraalka kale ayaa loo xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news iney la xiriirto muran hareeyay Madaxa Saadaasha Cimilada iyo Hawada ee Ururka IGAD oo Sarkaal Somalia u dhashay balse gaaray Da’dii Howlgabka u qoran, Dowlada Federaalka Somalia ayaa dooneysa in Sarkaalkaan uu sii shaqeeyo inkastoo Ethiopia iyo Kenya ay ka biyo diidan yihiin.

Somalia ayaa aad u diiday in Dr. Guleid A. Artan, loo maro hanaanka sharciga howlgabka, waxayna sheegaysaa inuusan qabaneyn xeerka Urur gobaleedka IGAD, gaar ahaana dhinaca Howlgabka, iyadoo ay IGAD horey u tixgalisay codsiga DFS oo 4 sano dheeraad ah ugu dartay, xiisadaan ayaa dab ku sii shidi doonta Xurgufta u dhaxeysa Ethiopia & Somalia.

Xoghayaha IGAD, lama yaqaano inuu aqbali doono imaanshaha Muqdisho ee Wasaaradda Arrimaha Fibada, iyadoo durba gudaha IGAD ay ka bilaabatay dagaalka u dhaxeeya Ethiopia & Somalia, Kadib todobo bilood oo lagu soo xad-gudbay madax banaanida dhuleed ee Somalia, Workneh Gebeyehu ayaan wali wax raaligelin ah ka bixin, Xoghaynta IGAD waxay ku shaqeysaa Awamiirta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia.

335190cookie-checkMaxey Xambaarsan Yihiin Qoraalada ay Dowlada Federaalka Somalia u Dirtay Xoghayaha IGAD..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com