Ma Dhabaa In Wakiilada B/Caalamka Ay Xiriiro La Sameeyeen Odayaal

Somalia news

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka oo dusha sare kala socda Kulamada u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Dowlad Goboleedyada, islamarkaana Maanta lagu wado in dib uga bilaawdo Teendhada Afisioni ayaa dejisay Qorshe 2-aad (Plan B), hadii uu fashilmo Kulankaan….

Wararka ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay dgniino kama dambeys ah u gudbisay Dhinacyada wada hadalka u socdo, iyagoo u sheegay in Ilaa Maalinta Khamiista hadii ay ku heshiin waayaan ay soo fara gelin doonto isla markaasna la wareegi doonto Maamulka Doorashada.

Waxaana la sheegay in ergo ka wakiil ah Wakiilada Beesha Caalamka ay xiriiro qarsoodi ah oo toos ah la sameeyeen 135-Oday Dhaqmeed Ee soo xulay Xikdhibaanada, kuwaasoo lagu wargeliyay in siminaar loogu qaban doono Teendhada Afisioni, iyadoo kadibna kala shaqeyn doona sidii guda geli lahaa Arrimaha Doorashada.

Talaabadaan ayaa la sheegay hadii ay dhab noqoto Waxaa shaki ku jirin in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo muddo hortaagnaa in Doorashada dadban oo wadar oggol ah laga qabto Dalka laga wareejin doono Maamulka Doorashada.

108400cookie-checkMa Dhabaa In Wakiilada B/Caalamka Ay Xiriiro La Sameeyeen Odayaal