Hir-Shabelle: Dhaqdhaqaaq La’aanta Doorashada & Sababaha Hortaagan

Somalia news

Inkastoo Maamul Goboleedyada Jubbaland, Konfur galbeed, Puntland iyo Galmudug ay qabteen doorasho dadban Ee Aqalka Sare oo aad loo Saluugay Hanaanka loo agaasimay, Maamulka Hir-Shabelle Ayaan Weli ku guuleystan iney Guddiyada Doorashada ay iska Dhex doortaan Gudoomiye iyo Kuxigeen iska daaye iney qabtaan Doorashada…

Maxaa Ka hortaagan Maamulka iney Doorashada dadban qabtaan:-

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay in Maamulka Hir-Shebelle ay dhowr sababood oo is biirsaday ay ka hortaagaan yihiin:-

-Iney Maamulka Doorashada qabtaan, waxaana ugu horeeya Faragelinta Farmaajo iyo Fahad Ee Doorashada Gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisa.

-Madaxweynaha,Kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo muddo ku sugan Magaalada Mogadishu, iyadoo joogitaankooda lagu fasiray dhexdhexaadin laga dhex wado Cali Guudlaawe iyo Wakiilo ka Socda Beesha Xawaadle oo muddo diidaneyd Hanaanka lagu doortay Guudlaawe.

-In Doorashada 2-da Gole laga soo wareejiyo B/Weyne hadii wada hadaladaan natiijo laga gaari waayo

-Waxaana la sheegay in Jawaab laga sugaayo Beesha Xawaadle ilaa Beirto oo Sabti ah iney keenaan go’aan ay ku mideysan yihiin ama iney ku fashilmeen.

-Maamulka Hir-Shabelle oo diyaariyay qorshe Plan B ah in Doorashada lagu qabto Magaalada Jowhar.

134830cookie-checkHir-Shabelle: Dhaqdhaqaaq La’aanta Doorashada & Sababaha Hortaagan