Cillada U Dulqaadasho La’aanta Laktoos (Lactose Intolerance)..

Somalia news

Waxaa Sanadahaan dambe welwel laga muujiyay Dadka qaarkios oo u dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance) waa cillad ku dhacda dheefshiidka taasoo ka timaada marka calooshu ay burburin kari weydo sonkorta “lactose” ee ku jirta caanaha…

Dadka qaba cilladan waxaa jirkooda ka maqan dheecaanka “lactase” kaas oo mila sonkorta “lactose” ee caanaha ku jirta si jirku tamar ahaan uga faa’idaysto. Markasta oo qofka uu sii weynaado, dheecaankani hoos ayuu u dhacaa, taas oo yareysa awooddii jirku ku burburin lahaa sonkorta laktoos.

Caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo dhib ayay ku yihiin dadka qaba cillada u dulqaadasho la’aanta laktoos, Calaamadaha waa wayn ee cilladaan waxaa ka mid ah; shuban, calool xanuun, dibiro, dhuuso badan iyo lalabo, U dulqaadasho la’aanta laktoos waa ay ka duwan tahay xasaasiyadda caanaha (milk allergy) oo ah xanuun qofka khatar gelin kara kaas oo jirku uu diidan yahay maadada “S1-casein” ee ku jirta caanaha lo’da, Dad badan waxaa caawiyay qaadashada kiniinka “lactase” ka hor inta aysan isticmaalin caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo. Waa dheecaankii jirka ka maqnaa oo kiniin ahaan u samaysan.

Xalka cilladda u dulqaadasho la’aanta laktoos waa in qofku uu ka fogaado ama iska yareeyo caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo sida burcadka, yoghurt-ka iyo cunnooyinka caanaha lagu daray, Maadaama caanuhu ay yihiin cunnada ugu hodansan ee macdanta kalsiyaam oo ah macdan aasaasi ah lafuhuna aysan ka maarmi karin, dadka cilladaan qaba waxa ay qaadan karaan cunnooyinka kale ee ay ku jirto kalsiyaamta sida koostada, kaabajka, lawska almonds, kalluunka iyo digirta loo yaqaanno “chickpeas”.

335340cookie-checkCillada U Dulqaadasho La’aanta Laktoos (Lactose Intolerance)..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com