Maxaa Xiligaan Ku Riixay Dowlada Iney Cabshuuro ku soo Rogtay Iibka (Sale Tax)..

Somalia news

Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalka Biixi Iiman Cige ayaa ku dhawaaqay in Wasaaradiisu ay dhaqan gelisay Nidaam casri oo suuragelinaya in Canshuurta iibka laga qaado lacagaha la isaga diro taleefanada, Talabaadaan oo u muuqata mid Canshuuraha laga qaado Shacbiga Mogadishu lagu sii giijinaayo…

Wasiirka ayaa ku amray Shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Adeegyada Lacagaha inay waaxda Dakhliga ee Wasaarada kun howlan arrimahaan ay gacan ku siiyaan inay gutaan howlahooda, “Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Ganacsatadaba waxaan la wadaagayaa in Canshuuraha ka dhasha iibka ee sida danabaysan u dhaca ha noqdaan Moobaylada, walletyada iyo Marchanada ay Dowladu yeelatay hab ay canshuurta ugaga goosan karto.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in canshuurta iibka ee ay dowladu ka qaadayso ay tahay boqolkiiba shan uuna yahay mid aad uga yar canshuurta laga qaado dalalka deriska la ah Somalia, inkastoo uusan sheegin waqtiga uu bilaaban doono in dowladu ay ka goosato canshuurta lacagaha moobaaylada la isaga dirayo..

Dowladda federaalka miyeey xaq u leedahay iney Canshuur cusub (Sale Tax) ku soo rogto Xawaaladaha Casriga ah iyo Wax kala iibsi kasta oo EVC ah, Dawladdu waxay qaadan doontaa qayb iyadoo la tixgelinayo in qof kasta oo Somalia jooga uu isticmaalo EVC ama E-Dahab sababtoo ah maqnaanshaha lacag qaran, ma bixiso adeegyada asaasiga ah sida Amaanka iyo caafimaadka.

Tallaabadani waxay si weyn u saameyn kartaa Dadka danyarta ah, Sidee u aragtaa Muwaadinow go’aanka Dowladda, kuna darso Dowlada Ma Maamusho Canshuuraha Gobolada Dalka sida Goroonada iyo Dekadaha Kismaayo, Garacad, Boosaaso, Beydhabo, Hargeysa, Garoowe iyo Berbera.

335410cookie-checkMaxaa Xiligaan Ku Riixay Dowlada Iney Cabshuuro ku soo Rogtay Iibka (Sale Tax)..

3 thoughts on “Maxaa Xiligaan Ku Riixay Dowlada Iney Cabshuuro ku soo Rogtay Iibka (Sale Tax)..

  1. I think its a mandatory requirement from IMF to increase our tax to Gdp ratio in line with our (HIPC) initiative and its prerequisite for future loans from IMF,
    We might experience short-term negative economic growth but that is the price we have to pay to be fiscally prudent

  2. Hi’ Waxa taa ka sii daran, ZAAD iyo SAHAL ma saamayn doonto waayo uma hogaansami doonaan, waxaana laga isticmaalas Puntland iyo Somaliland, Waa dhibaato hor leh oo Degaano gaar ah taaban doonta sida Mogadishu

  3. Sad!, Consider the poor individuals who already face sales tax on every transaction they make, the government imposing more tax on each and every electronic transaction, do you think it’s fair? Remember, Somali people live below the poverty line and live on less than $3 a day.

Comments are closed.