Weerar Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka ay ka geysteen gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac loo geystay Askar ka tirsan Hey’adda NISA…

Wararka ayaa sheegaya in Dableyda hubeysan oo Shabaab ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen tiro Askar ka tirsan ciidamadda dhar cadka ee NISA oo hal goob ku wada sugnaa, waxaana la sheegay in intaasi kadib ay Dableydaan ayaa ka soo dagay Mooto Bajaaj, kuwaasoo watay qori AK47 ah ay rasaas ooda uga qaadeen askarta.

Wararka ayaa sheegay in hal askari oo NISA ah lagu dilay weerarkaasi, halka saddex kalena lagu dhaawacay, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaaladan.

Xoogagaan la weeraray ayaa la shaqeeya Madaxa Nabadsugida ee Degmada Howlwadaag, iyadoo gudaha suuqa bakaaraha uu haatan ka socdo howlgal culus oo ay wadaan ciidamadda amaanka, iyagoo baadi goob ugu jira ragii hubeysnaa ee weerarkan fuliyay.

226300cookie-checkWeerar Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com