Muranka Degaan Doorashada Garbahaarey Oo Dib u Soo Laba Kacleeyay

Somalia news

Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, ayaa waxay ka mid tahay labada degaan doorasho ee Xildhibaanada Federaalka Somalia laga soo dooran doono Dowlad-gobaleedka Jubbaland, iyadoo Khilaaf xoogan uu xiligaan u dhaxeeyo Farmaajaha fashilmay & Axmed Madoobe..

Magaaladaan ayaa 16 kursi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu dooran doonaa, iyadoo ilaa hada aysan muuqan ifafaalo muujinayo in doorasho ka dhacayso Magaaladaasi, waxeyna dhex taal u aheyd dagaal siyaasayeed u dhaxeeya Farmaha & Axmed Madoobe oo saameeyay Beelaha Ogaadeen & Mareexaan & Dalalka Kenya & Ethiopia.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Xafiiska Wasiirka 1-aad ayaa dhawaan tagay magaalooyinka Garbahaarey & Kismaayo waxey la kulmeen Sheekh Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland, iyagoo u gudbiyay Warbixinadii ay soo uruuriyeen, waxeyna sheegeen iney sugayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu soo magacaabo Gudoomiyaha Degmada, Guddiyada Doorashada iyo Saraakiisha Amaanka inkastoo Farmaajo & Beeshiisa ay aad uga soo horjeedaan.

Ilaa hadda ma muuqato jaantuska heshiiisyada la gaaray & iney Magaalada Garbahaarey ay marti gelin doonto Doorashada, Mr.Axmed Madoobe oo dhowaan la kulmay Guddiyada Doorashada ayaa u sheegay in ku qabashada dooraahada ee magaalada Garbahaarey ay ka dhici karto kaliya hadii Ciidamada Beeleysan ee Farmaajo ku uruuriyay laga saaro magaalada lana oggolaado in Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland & Ciidamo ka socdo Maamulka Jubbaland tagaan Garbahaarey.

166790cookie-checkMuranka Degaan Doorashada Garbahaarey Oo Dib u Soo Laba Kacleeyay