Fahad & Safarada Qarsoodiga Ah Ee Pakistan iyo Seychelles

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa safaro qarsoodi ah oo Todobaadkii ugu dambeeyay ku kala bixiyay Dalalka Pakistan iyo Seychelles Agaasimaha Hey’adda NISA Adeege Fahad Yasin oo Xiligaasi ku sugnaa Dalka Qatar…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Adeege Fahad Yasin uu safaro qarsoodi ah ku tagay Dalalka Pakistan iyo Seychelles, isagoo la sheegay inuu kulamo la yeeshay Saraakiil Sirdoonada, Ganacsato iyo Madax ka tirsan Bangiyada Dalalkaasi, waxaana safarada ku wehliyay Danjiraha Somalia Ee Pakistan Mrs.Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo Xogheyntiisa Gaarka ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Adeege Fahad Yasin ay Saraakiisha Dowladda Qatar kula taliyeen inuu dego Dalka Seychelles, si uu uga baaqsado in loo xiro Dembiyada uu galay 4-tii sano Ee uu Hormuudka ka ahaa Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Danjiraha Somalia ee Pakistan ayaa horey Saraakiisha Amaanka dalkaasi ugu eedeeyeen ka ganacsiga Sharci darrada ah ee soo dejinta khamriga, iyadoo warqad dacwo ah oo ay Dowladda Pakistan ka soo gudbiyeen Danjiraha Waxaa ku hagoogtay Fahad Yasin, isla markaasna diiday in xilka laga qaado.

129320cookie-checkFahad & Safarada Qarsoodiga Ah Ee Pakistan iyo Seychelles